4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Weriye Jeelka Laascaanood loo gudbiyey xukun la'aan

 

Arbaco, May, 15, (HOL) – Maxkamada magaalada Laascaanood ayaa la keenay maanta weriye Cabdi Keyse Tungub iyadoo ay wadaan ciidan ciidan Boolis ah.

Maxkamada ayaa su'aalo weydiisey Tungub kuwaas oo ay ka mid ahaayeen inuu sameeyey kacdoon ku lid ah 18ka Mey, taas oo uu u sheegay in aanay waxba ka jirin balse xadhiga dhakool uu war ka diray.

Si kasta ha ahaatee maxkamada ayaa samaysay 7 maalmood oo xabsi xalaalayn ah oo loo gudbiyey xabsiga weyn, goobtana kama muuqan cidii ku muduciga ahayd weriyaha.

Bahda saxaafada gobolka Sool ayaa ku da'daalayey sidii ay isfahan uga abuuri lahaayeen suxufigan xidhan iyo Maamulka gobolka oo xadhigan masuul ka ahaa balse sida uu HOL u sheegay C/raxmaan Cali Ducaale.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool