Madaxtooyada Somaliland oo sheegtay in xildhibaan Dhakool kala qaybinayey bulshada Somaliland
Arbaco, May, 15, (HOL) – Madaxtooyada
Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xadhiga xildhibaan Maxamed
Axmed Dhakool oo loo xidhay markii uu wax ka sheegay 18 May.
Sidoo kale, waxa ay madaxtooyadda Somaliland ka
jawaabtay hadal ka soo yeedhay shalay gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee
WADDANI oo xadhiga xildhibaanka sharci daro ku tilmaamay.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo
lagaga jawaabayo hadalka gudoomiye CIrro oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka
madaxtooyada Maxamuud Warsame ayaa sidan u qorsnaa :Guddoomiyaha Xisbiga
Mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo
saxaafadda la hadlay, waxa uu xadhigga xildhibaan Dhakool ku sheegay sharci
darro iyo dastuur jebin
Xildhibaan Dhakool sharci-darro kuma xidhna ee
wuxuu ku xidhan yahay sifo sharci ah, wuxuuna si cad ugu xa-gudbay jiritaanka
qarannimada Somaliland, sharciyadda iyo Dastuurka uu xildhibaanka ku yahay.
Ø
Dhakool 18 May Wuxuu ku sheegay maalin madow
Ø
Maalin aan gobonimo lahayn maalin qaranna aan ahayn
Ø
Maalin aan taariikh u lahayn Somaliland
Ø
Maalintii la qixiyey beelaha darafyada
Shirkii Burco ee lagu aas-aasay goonii isu taaga
Somaliland 18-May-1991-kii ee ay u dhammaayeen reer Somaliland, ayna kow ka
ahaayeen Garaad Cabdiqani Garaad Cali, sheekh Muuse Goodaad iyo raggii kale ee
reer Somaliland, xildhibaan Dhakool-na wuu ka been abuuray midnimadii
maalintaasi lagu gaadhay go’aanka qaran.
Dhakool waxa uu been cad ka sheegay inaan
Somaliland Xusin halgankii daraawiishta, dastuurka Somaliland-na wuxuu
mudnaanta koowaad siiyey oo ku xardhan xuskii daraawiishta, taasina waa been
kale oo uu bulshada ku kala qaybinayo.
Haddaba, sida ku cad waraaqda ka soo baxday
xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee summaddeedu tahay XIG/JSL/96/19, kuna
taariikhaaysan 11/05/2019, qodobada eedaynta xildhibaan Dhakool waxa ay yihiin:
1. Qodobka 184 XCG oo ka hadlaya khiyaamo qaran
oo lagu wiiqayo gobonnimada iyo jiritaanka Somaliland, madaama oo uu si toosa
ugu soo bandhigay warbaahinta inuu ka soo horjeedo maalinta madax bannaanida
Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.
2. Qodobka 213 XCG oo dhigaya iska horkeenis bulshada
Somaliland, sababtoo ah waxa uu shir saxaafadadeedkiisa ku sheegay in
maalintaasi tahay maalintii la qaxiyey beelaha darafyada Somaliland, una tahay
maalin madow halka beelaha SNM ka dhigayaan maalin qaran soona saaraan
carruurtooda iyo dumarkooda.
3. Qodobka 215 XCG oo ah fidin warar been abuur
ah oo lagu kicinayo bulshada Somaliland oo keenaysa nabadgelyo-darro, sababtoo
ah waxa uu hadaladiisa ula jeeday inuu ku wax yeelleeyo midnimada iyo
wada-jirka shacbiga Somaliland, si ay u abuuranto jawi colaadeed iyo nabadgelyo
darro, loona waayo nidaamka iyo kala danbaynta sharciga, warkaas oo uu ku
baahiyey warbaahinta, kaasoo laga dhegeystay dalka gudihiisa iyo dibedadiisaba,
danbiyadaas oo ah kuwo ka dhan ah qarannimada Somaliland, isla markaana qabashadiisu
ay tahay waajib isla markiiba sida uu dhigayo qodobka 35-aad xeerka habka
ciqaabta
Sidaa awgeed, waxa aan shacbiga u sheegayaa
gefkaa cad ee qaranka laga galay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro-na ka doodayo
sharci darrona ku tilmaamay inuu macneheedu yahay inuu ku raacsan yahay oo uu
la qabo inay 18 May tahay maalin madow,
Haddaba, ninka leh ha la sii daayo, 18-ka May ma
maalin cad baa mise waa maalin madow.
Hadalkii golaha wakiilada marnaba layskuma diidin
inuu gef qaran galay Dhakool balse habkii loo maray qabashadiisa, ayuu
hadalkoodu daarranaa, fasiraadda arrinkaasina wuxuu u yaallaa labada hay’adood
ee xeer ilaalinta iyo sharci dejinta.”.
Golaha wakiilada iyo xisbiga WADANI waxay sifihii
loo xidhay xildhibaan Dhakool ku sheegeen mid sharciga baalmarin oo aan la
xidhi Karin xildhibaan xasaanidii huwan.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.