4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2019
Taliska Booliska Soomaaliya oo sheegay in la xiray qof lagu tuhmayo inuu bixiyay Imtixaankii shahaadiga ee dugsiyada sare

Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) -   Booliska Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta shaaca ka qaadday in la xiray mid kamid ah shaqaalaha wasaarada Waxbarashada dowladda federalka kaasoo lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay bixitaankii imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka oo dhowaan dib loo dhigay.

Qofka lagu tuhmayo inuu bixiyay imtixaanka ayaa magaciisa lagu sheegay Jamaaludiin Xasan Xirsi oo 29 sanno jir ah ayaa la sheegay in sharciga la horkeeni doono. Hase yeeshee wax faahfaahin ah lagama bixin  qeybta uu  ka shaqeynayay shaqsigan loo haysto bixinta imtixaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed, oo warbaahinta xogtan usoo bandhigay ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Booliska ay baaritaano ku wadaan dad kale oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin fashilkii ku yimid imtixaanka.

Booliska hadalka ka soo baxay ayaa ku soo aadday kaddib markii wasaarada Waxbarashada dowlada federalka ay dhowaan ku dhowaqday inay baabi’isay imtixaankii dugsiyada sare kadib markii la xaday,iyadoo wasaaradu ay sheegtay in dhamaadka bishan la qaadi doono imtixaan ku celis ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]