4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Hay'adda Warfaa Foundation oo degmada Galdogob ka fulisay mashruuc dhallinyarada ka caawinaya is-dhexgalka


Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) -   Hay'adda Warfaa Foundation  ayaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug ka daahfurtay tartan kubadda cagta ah oo ay hay'adda qabato sannadkii bisha Ramadaan,iyadoo mashruucan uu maalgalinayo Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa ahna wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Tartanka ayaa ujeedkiisu tahay is-dhexgalka dhallinyarada ka hortagga tahriibka , mukhaadaraadka, qabyaaladda iyo wax walba oo dhallinyarada kala gayn kara.

Dhallinyarada ka qeybgalaya tartanka ayaa u mahadceliyay Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa ahna wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay'adda Warfaa Foundation .

"Wasiir Sadiiq  Warfaa , waxaan uga mahadcelinaya sida uu uga warhayo bulshadiisa, barnaamijkan waa mid muhiim u ah dhallinyarada,waxaana lagu soo beegay xilli ku habboon". ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ka qeybgala tartanka.

Tartanka waxaa ka qeybgalaya illaa 16 kooxood ,labadii kooxood ee ugu horreysay isku aadka tartanka ayaa xalay lagu furay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]