4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Ciidammada amniga oo howlgallo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan Muqdisho

Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Ciidanka amniga ayaa howlgallo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu xaqiijinayo amniga, kaddib markii habeen ka hor lagu dilay degmada Boondheere gaar ahaan dhinaca waddada aadda taalada Daljirka  Daahsoon guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasada ee degmadaas Cali Hiloowle oo ku magac dheer Cali dheere.

Ciidanka ayaa inta uu howlgalka socday waxaa ay baarayeen dadka iyo gaadiidka ,iyadoo howlgalka lagu soo qabtay tiro dhallinyaro ah.

Hay'adaha amniga ee dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ay ka sameynayaan xaafadaha caasimadda Muqdisho,waxaana isgoysyada Muqdisho baaritaanno jogta ah ka sameeya ciidammada booliska.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]