Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) – Dabley loo
maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gallinkii danbe ee shalay ka qafaashay gobolka Gedo Labo shaqaale safar
ah oo ka howlgalayay gobolka.
Labada qof oo ka kala shaqeynayay hay'adaha
Trocaire iyo World vision, ayaa laga afduubtay degmada Geed-weyne oo qiyaastii
30 km dhanka qorax kasoo bax kaga began degmada Dooloow.
Labada qof ee la afduubay ayaa ahaa shaqaale
Soomaali ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Suubow Cabdulle iyo
C/laahi Rashiid (Eng. GBS).
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay labada qof ee
la afduubtay loola dhaqaaqay dhanka dhulka miyiga ah ee ay badi joogaan
Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Mas’uulyiin ka tirsan laamaha amaanka ee Gobbola Gedo oo ka gaabsaday in
magacyadooda la xuso ayaa VOA-da u sheegay in labadaan qof la afduubtay xili ay
ku guda jireen shaqo ay u tageen deegaanka Geedweyne ee Gobboka Gedo.
Wararka qaarna waxa ay sheegayaan in ka hor inta
aan la afduubanin labadan qof ay ka yimaadeen dhanka degmada Luuq ee isla
gobbolka Gedo.
Al-Shabaab lagu eedeeyaa inta badan in ay afduub kan lamid ah u gaysta shaqaalaha gargaarka ee ka hawlgala
gudaha Soomaaliya, iyadoo ay sidoo kale jiraan falal afduub ah oo ay
maleeshiyaadka Al-Shabaab ka gaystaan gudaha dalka Kenya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]