4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Madaxweyne Deni: Waxaan soo bandhigi doonaa qorshe dowladdeed oo ku aadan dhinaca horumarinta

Arbaco, May, 15 , 2019 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay xukuumadda inay dadaal ku bixinayso horumarinta deegaanka iyo bulshada.

Madaxweyne Deni, ayaa xaqiijiyay in dhowaan lasoo bandhigi doono qorshe dowladdeed oo ku aaddan dhinaca horumarinta, kaas oo uu sheegay  in muddo ah laga shaqaynaayey, isla markaana arrimo badan lagu iftiimin doono.

Ma uusan sheegin waxyaabaha mashruuca horumarinta ah  uu diirrada saarayo, balse wuxuu sheegay inay muhiimad weyn u leedahay Puntland dhinacyada horumarinta.

Qorshaha uu ololaha ku galay madaxweyne Deni ayay qeyb ka ahayd maamulkiisa inuu ka shaqeyn doono horumarinta adeegyada bulshada,iyadoo isha lagu hayo sidii ballanqaadka uu u fulin lahaa madaxweynaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]