5/19/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2019
Kenya oo Malaayiin dollar ku bixisay dacwada ka dhanka ah badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya


 

Talaado, May, 14, 2019 (HOL) - Xilli kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya uu marayo meel xasaasi ah ayaa waxaa soo baxaysa qiimayn lagu samaynayo dhaqaalaha ku baxaya dacwadaasi.

Qareennada labada dhinac u doodaya ayaa la sheegay inay yihiin kuwa helaya faa'idada ugu badan ee dhaqaale.

Sida uu qoray wargayska Business Daily ee ka soo baxa dalka Kenya dowladda Kenya ayaa lacago malaayiin doollar ah ku bixisay kiiska muranka xuduudda dhanka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Wasaaradda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa sida uu wargayska ka soo xigtay waxaa qareennada kiiskan u doodaya ay ku bixisay lacag dhan Ksh300 oo milyan oo shilinka Kenya ah taasi oo u dhiganta 3 milyan oo doolar.

Sida ku cad qiyaasta miisaaniyadda sanadkan dowladda Kenya ayaa kordhinaysa lacagaha dhanka sharciga oo imika ah 1.7 bilyan oo shilinka Kenya ah, waxaana sanadkan la gaarsiinayaa 2 bilyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 20 milyan oo doolar.

Maxkamadda caalamiga ah ee (ICJ) ee fadhigeedu yahay Hague ayaa qaadaysa dacwad dhanka badda ah oo ay dowladda Soomaaliya u gudbisay 2014, ka dib markii ay guldareysteen wadaxaajood labada dhinac u dhaxeeyay.

"Waxaa la kordhiyay lacagaha dhanka sharciga ee lagu difaacayo calaamadeynta xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaa sidaasi lagu sheegay qiyaas miisaaniyadeed toddobaadkii aanu soo dhaafnay loo gudbiyay baarlamaanka Kenya.

Xukuumadda Nairobi ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in go'aanka xudduudda lagu salaynayo tii la jaangooyay xilligii gumaystaha ee dhanka bari.

Balse Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in xadka lagu salaynayo dhanka Koonfur bari iyada oo la eegayo xudduuda dhanka dhulka.

Kiisaska muranada ee la geeyo maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa go'aan ka gaaristooda waxay qaadataa muddo sanado ah.

Muranka dhanka badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa saamayn ku yeeshay baaritaannada dhanka shidaalka iyo Gaaska ee laga samaynayay goobaha badda ee lagu muransan yahay.

Bishii February, Kenya ayaa dib ugu yeeratay safiirkii ka fadhiya Muqdisho ka dib markii sida la sheegay ay dowladda Soomaaliya "xaraashtay qaar ka mid ah buqcadihii lagu muransanaa".

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in maalmo ka hor shirkii London ay dowlada Soomaaliya u gudbisay walaaceeda ku aadan xaraashka.

Xigasho BBC 










Click here
5/14/2019 12:04 PM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL) - Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga qoray oo sheegay inuu Kenya kula kulmay safiirada Qadar iyo Maraykanka.

5/14/2019 11:56 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Xerogeel oo ka tirsan degmada Awbarre, halkaas oo uu kula kulmay shacabka qaybihiisa kala duwan.

5/14/2019 11:12 AM EST
Talaado, May 14, 2019 (HOL)- Ciidanka booliska Somaliland ayaa maanta xidhay wiil ku soo labistay dhar ka samaysan calanka Soomaaliya oo la yimid badhtamaha magaaladda Hargeysa.

5/14/2019 9:57 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku guuldareystay qancinta Ardeydii maanta ku dibadbaxday magaalada Muqdisho isaga oo dhinaca kale eedeyn dusha uga tuuray

5/14/2019 7:49 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Madaxeynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasaarradda Waxbarashada Soomaaliya.

5/14/2019 7:39 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ee degaalka kula jira dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay mas'uuliyada Qarax maaanta lagu weeraray xarunta degmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqdisho

5/14/2019 4:32 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Dhawaqa qarax culus ayaa goor dhow laga maqlay degmada Warta-nabadda ee magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogayaal xaqiijiyeen.

5/14/2019 3:25 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo.

5/14/2019 3:19 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Shan qof way u geeriyoodeen, sagaal kalena waa dhawaawac ka dib markii Roobab waaweyn oo khasaare dhalliyey ka da’ay magaalada Hargeysa.

5/14/2019 3:02 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah waxaa subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay dibadbax ay dhigayeen ardeydii kaqeybgashay Imtixaankii dowladda ee la hakiyay, kuwaa oo ka cabanaya go’aanka ay Wasaarradda Waxbarashada.

5/14/2019 2:40 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Inta la xaqiijinayo Labo ardey ayaa ku dhaawacantay dibadbax looga soo horjeedo hadalkii xalay ka soo yeeray Wasiirka Wasaarradda waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo saakay ka dhacay magaalada Beledweyne.