4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 14, 2019
Wiil ku labistay dhar laga sameeyey calanka Soomaaliya oo maanta la xidhay

Talaado, May 14,   2019  (HOL)- Ciidanka booliska Somaliland ayaa maanta xidhay wiil ku soo labistay dhar ka samaysan calanka Soomaaliya oo la yimid badhtamaha magaaladda Hargeysa.

Wiilkan ku labisan funaanad iyo surwaal calanka Soomaaliya ka samaysan ayaaa dadkii arkayey ugu yeedheen booliska, isla markaana loo gacan galiyey ciidanka sidaasna lagu xidhay.

Wiilkan  ayaa khatar galiyey naftiisa, hadii aanay ciidanka amnigu goobta ka dhoweyn waxa la filan karayey wax kasta  oo ku dhaca, maadaama oo maalmihii loo diyaar garoobayey 18 May lagu jiro.

Magaalooyinka Somaliland ayaa si weyn loogu diyaar garoobayaa munaasibadda u dabaaldega maalinta18 May oo ku astaysan gooni isku taaga Somaliland.