Wasiir Goodax : Dadkii maanta dibadbaxa dhigayay Ardey uma muuqan waa nalooga badnaa
Talaado, May, 14, 2019 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku guuldareystay qancinta Ardeydii maanta ku dibadbaxday magaalada Muqdisho isaga oo dhinaca kale eedeyn dusha uga tuuray
Wasiirka ayaa sheegay in uu isku dayay in uu la hadlo
dibadbaxa-yaasha isaga oo intaa ku daray in dadkii uu arkay aysan Ardey’’ Waxaan leeyahay dadkii maanta dariiqa socday
haddii aheynu nahay bahda Waxbarashada waa nalooga badnaa, waxaan isku dayay in
aan Ardeyda la hadlo, laakiin wixii aan arkay Ardey uma ekeen, dad dhagaxyo
tuuraaya oo aan caadi aheyn ayaa la
kulannay ‘’ ayuu yiri Wasiir Goodax oo la hadlayay TV Dalsan.
Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo
magaalada Muqdisho dibadbax xoogan ay ka dhigeen boqolaal ardey ah oo ka mid
ahaa ardeydii ka qeybgashay Imtixaankii saddexda cisho socda ee la joojiyay,
kuwaa oo ka cabanayay go’aanka Wasaarradda.
Ma’aha oo kaliya in
dibadbaxyadaasi ay ka dhaceen magaalada Muqdisho ee sidoo kale magaalooyinka
Jowhar iyo Beledweyne ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo sababay dhaawaca ilaa
Labo Ardey ah.
Madaxweynaha dowlad gobolleedka
Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee dowlad
gobolleedyada oo ka hadla arinta ku saabsan joojinta Imtixaankii socday ayaa ku
eedeeyay Wasaarradda Waxbarashada in ay shaqadeedii gabtay, isaga oo ku amray
mas’uuliyiinta Wasaarradda ee ku sugan
deegaannada Hirshabeelle in ay deg deg uga baxaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]