3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2019
Muqdisho : Ardey dhigtay dibadbax looga soo horjeedo go’aankii wasaarradda Waxbarashada

 


Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah waxaa subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay dibadbax ay dhigayeen ardeydii kaqeybgashay Imtixaankii dowladda ee la hakiyay, kuwaa oo ka cabanaya go’aanka ay Wasaarradda Waxbarashada.

Gaar ahaan dibadbaxan oo ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee halbowlaha u ah isku socodka magaalada Muqdisho ayeey dibadbaxayaashu ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Wasiirka Wasaarrada Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo ku dhawaaqay go’aanka Wasaarradda ee lagu hakiyay Imtixaanka.

Ardeyda oo ku labisnaa qaarkood dareyskii Iskuulka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin joojinta Imtixaan waqti badan ku bixiyeen ka qeybgalkiisa, islamarkaana uu dhaqaale uga baxay, hasse ahaatee Wasaarrada Waxbarashada ayaa sheegtay in uusan sii socon karin Imtixaanka marba haddii la helay qishka qaar ka mid ah Maadooyinkii lagu keenay.

Ardayda iyo dadweynaha kale ee bannaanbaxa dhigaya ayaa waxaa mararka qaar rasaas ku ridayay ciidamada dowladda Soomaaliya, inkastoo aan la sheegin wax-yeelo ay geysatay rasaastu.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay cabashada ardeyda iyo go’aanka lagu joojiyay Imtixaanka intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 













Click here
5/14/2019 2:37 PM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)-Xilli kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya uu marayo meel xasaasi ah ayaa waxaa soo baxaysa qiimayn lagu samaynayo dhaqaalaha ku baxaya dacwadaasi.

5/14/2019 12:04 PM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL) - Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga qoray oo sheegay inuu Kenya kula kulmay safiirada Qadar iyo Maraykanka.

5/14/2019 11:56 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Xerogeel oo ka tirsan degmada Awbarre, halkaas oo uu kula kulmay shacabka qaybihiisa kala duwan.

5/14/2019 11:12 AM EST
Talaado, May 14, 2019 (HOL)- Ciidanka booliska Somaliland ayaa maanta xidhay wiil ku soo labistay dhar ka samaysan calanka Soomaaliya oo la yimid badhtamaha magaaladda Hargeysa.

5/14/2019 9:57 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku guuldareystay qancinta Ardeydii maanta ku dibadbaxday magaalada Muqdisho isaga oo dhinaca kale eedeyn dusha uga tuuray

5/14/2019 7:49 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Madaxeynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasaarradda Waxbarashada Soomaaliya.

5/14/2019 7:39 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ee degaalka kula jira dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay mas'uuliyada Qarax maaanta lagu weeraray xarunta degmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqdisho

5/14/2019 4:32 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Dhawaqa qarax culus ayaa goor dhow laga maqlay degmada Warta-nabadda ee magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogayaal xaqiijiyeen.

5/14/2019 3:25 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo.

5/14/2019 3:19 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Shan qof way u geeriyoodeen, sagaal kalena waa dhawaawac ka dib markii Roobab waaweyn oo khasaare dhalliyey ka da’ay magaalada Hargeysa.

5/14/2019 2:40 AM EST
Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Inta la xaqiijinayo Labo ardey ayaa ku dhaawacantay dibadbax looga soo horjeedo hadalkii xalay ka soo yeeray Wasiirka Wasaarradda waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo saakay ka dhacay magaalada Beledweyne.