4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2019
Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabtay Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Munaasabad si heer sare loo soo agaasimey laguna xusay Maalinta Shaqaalaha adduunka ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeybgalay Masuulyiin ka socday Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) Madaxda Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed, Xubno matalayey Ururada Shaqaalaha qeybahiisa kala duwan.

Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa Hambalyo u diray Dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed Munaasabadda Xuska Maalinta Shaqaalaha adduunka oo loo asteeyey 1, May, 1904-tii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u dabaal dagaan, muujiyaan xuquuqdooda, lana qaybsadaan farxada qoysaskooda iyo asxaabtooda, waxa uuna sheegay in ay jiraan Dhibaatooyinka Shaqo la’aaneed oo ay heysato Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo fursadaha shaqo oo aan loo sineen.

Mudane Cumar Faaruuq ayaa aad ugu hadlay dadaalada ay wadaan oo ku aadan ansixinta Xeerka Sharciga Shaqaalaha kaasoo sahli doono in uu wax ka qabto dhibaatooyinka ay la kulmaan Shaqaalaha iyadoo ay jjirto
in Shaqaale aad u tiro badan xuquuqaadkooda shaqo lagu xadgudbo.

Mr. Mban Kabu oo ah sarkaalka sare oo ka tirsan Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) oo ka hadlay Munaasabadda ayaa Sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu kala qeybgalo Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed Munaasadda maalinta Shaqaalaha oo ah Maalin loo asteeyey in adduunka si Wadajir ah looga xuso,waxa uuna Sheegay in Shaqaalaha Soomaaliyeed ay heystaan duruufo kala duwan waxaana taasi looga bixi karaa in la helo Sharci iyo Ururada Shaqaalaha oo dadaalkooda sii kordhiyaan.

Maanta Adduunka waxa ay u asteensantahay Maalinta Shaqaalaha Adduunka waxaana la sameeyaa Isuimaatin,Banaanbaxyo lagu Muujinayo Guulaha ay keeneen Ururada Shaqaalaha iyo Halganka ay ku jiraan in Bulshada ay ka saaran Faqriga iyo Shaqo la'anta waxaana si guud loo fasaxaa Shaqaalaha oo dhan si waqti ay ula qaataan Ehelkooda iyo Asxaabtooda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]