4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2019
Dab qabsaday xarun agabka dhaqanka lagu ururiyo oo qasaare geystey

 

Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Xaruntan dabku qabsaday oo ahayd goob lagu kaydin jirey qalabkja hidaha iyo dhaqanka oo badankooda aan haatan la heli karin, ayaa wax aan badnayn laga badbaadiyey sida ay HOL u sheegeen dadkii gurmadka u galay,

bewsinside Dabkan oo isaga gudbey guryo dhawra ayaa la aaminsan yahay in uu ka bilaabmay guri maqaaxi ah, walow ciidanka Boolisku ay sheegeen in aysan weli jawaab ka bixin karin sababta dhabta ah ee ka danbaysa dabkan, balse in ay baadhis wadaan ayay sheegeen.

Gaadiidka dabdamiska oo dadaal ugu jirey sidii ay u hakin lahaayeen dabka ku sii fidaya xaafado xidhiidhsan ayaa dhaawac culus soo gaadhey wadihii gaadhiga dabdamiska kaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka.

 

Goobta gubatey oo ay lahayd gudoomiyaha ururka Haweenka Carfi Jaamac Dhurwaa ayaa ah goob kayd u ah dhaqanka, waxaana ay qabaan dadka badankoodu in ay adag tahay sida agabkii halkaas yaaley dib loogu soo ururin lahaa.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool