4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2019
Shirkii Nabadda iyo Midnimada Soomaalida iyo Oromada oo Adhaama ka furmay

 

Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Waxaa si rasmi ah magaalada Adhaama ee degaanka Oromiya uga furmay Shirwaynihii Nabaynta iyo midnimada labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada, Shirwaynahan ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda labada degaan, madax kale oo heer fadaraal ah iyo marti sharaf kale, sidoo kale Ugaasyada, Odayaasha degaanka Soomaalida, iyo Abaagadhayaasha degaanka Oromiya ayaa iyaguna shirka goob joog ahaa.

Haddaba waxaa shirkani hadallo kooban kasoo jeediyay Madaxwaynaha degaanka Oromiya Shimalis isagoo ka hadlay faa'iidada iyo waxtarka ay leedahay nabaddu, isagoo sidoo kale sheegay in Oromada iyo Soomaalidu ay yihiin dad walaalo ah wax u dhaxeeyana aysan jirin.

Madaxwaynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa isna dhankiisa ka hadlay dhawr qodob oo ay ka mid ahayd Midnimada labada shacab ee Soomaalida iyo Oromada inay tahay mid xooggan, isla markaana ay ahaayeen dad waligood is caawin jiray.

Sidoo kale Madaxwayne Mustafe wuxuu sheegay in Soomaalida iyo Oromadu ahaayeen dad isla soo halgamay oo u halgamay sidii ay xoriyad u heli lahaayeen. waxaa kale oo uu Madaxwayne Mustafe sheegay in isku dhacyadii hadda ka hor dhex maray labada shacab ee Soomaalida iyo Oromada aysan ahayn mid loo aaneeyo labada shacab.

Madaxwayne Mustafe ayaa raalli galin ka bixiyay dadkii Oromada ahaa ee ka barakacay degaanka Soomaalida. wuxuuna sheegay in ay soo dhawaynayaan ciddii horey degaanka uga barakacday ee rabta inay sidii hore degaanka ugu noolaadaan ugana shaqaystaan.

Geesta kale waxaa iyaguna shirkan ka hadlay kasoo qayb galayaashii oo isugu jiray labada dhinac shacabkii ka kala socday, iyagoo dhammaantood ay ka sinaayeen faa'iidada uu leeyahay kulankan iyo in lasii xoojiyo nabadda maanta ka dhex curatay labada shacab ee Soomaalida iyo Oromada.

Isku soo duuboo jawiga ka muuqday shirkan ayaa ahaa mid deggan oo ay ka muuqato rajo nabadeed iyo is dhex gal labada shacab ee Soomaalida iyo Oromada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]