4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2019
Wasiirkii Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

 

Arbaco, May, 01, 2019 (HOL) -Waxaa goor dhaw xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya iska csilay Wasiirkii Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go'aansaday inuu xilka ka dego.

Wasiirka ayaa sheegay in kadib 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurta-gali weyday in aragtidiisa siyaasadeed uu dowladda ku biiriyo, sidaas darteed ay fududahay in uu isaga xilka ka tago oo tan madaxda sare la dayo.

Wax-yaabaha uu xusay ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda  dowladda iyo habka dowladda ay ula macaamisho mamaul goboleedyada dalka, Go’aanka uu qaatay ayuu sheegay inuu yahay mid aan deg deg ahayn, balse uu muddo ku taamayey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]