4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2019
Mareykanka iyo Israel oo cadaadis ku haya Falastiin

 

Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)-Israel iyo Mareykanka ayaa cadaadis dhaqaale saaraya maamulka Falastiin sababo la xiriira diidmadooda qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee Mareykanka uu wado. 

Dadka taxliiliya siyaasadda gobolka ayaa sheegaya in sanadii tagtay Mareykanka uu aad u jaray kaalmadii Falastiin, isaga oo isku dayaya inuu ka cadaaddiyo aqbalaadda qorshaha Trump, oo Falastiiniyiinta ay rumeysan yihiin inuusan u ogolaaneyn inay dal helaan.

Dhinaca kale, dowladda garabka midig ee ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa maamulka Falastiin saartay cunaqabateeno qarka u saaray xasarad dhaqaale.

Bishii Febraayo, Israel ayaa ku dhowaaqday inay 5% ka jarayso dakhliga dhan 190-ka milyan ee ah canshuuraha ay ka qaaddo badeecadaha laga soo dejiyo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, taasi oo bil walba ay ku wareejiso maamulka Falastiin.

Lacagtan ayaa u dhiganta tan bil walba uu maamulka Falastiin siiyo ehellada dadka Israel ay xirto ee ku eedeysan weerarada ka dhanka Yahuudda. Dadkaas ayaa maamulka u arkaa geesiyaal mudan in qoysaskooda la taageero.

Bankiga Adduunka ayaa ka digaya in haddii aanu dhicin is-beddel deg  deg ah, in dhinnaashaha miisaaniyadda maamulka Falastiin uu sanadkan  gaari karo hal bilyan oo dollar.

Xigasho VOA