3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2019
Doolow: Laba Dagaalyahan oo katirsanaa Al-shabaab oo is dhiibay (Sawirro)
 
Arbaco, 01 May, 2019 (HOL) - Laba dhalinyaro ah oo kamid ahayd kooxda Al-shabaab ayaa isu dhiibay laamaha ammaanka ee degmada Doolow.

Labadan dagaalyahan oo lagu kala magacaabo Farxaan Cabdi Maxamuud iyo C/laahi Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay u adkeeysan waayeen dhibaatooyin ay sheegeen in kala kulmeen Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmada Doolow Bashiir Xasan C/laahi ayaa sheegay in raggani oo hore uga tirsanaan Al-shabaab ay xiriiro lasoo sameeyay maamulka degmada iyo laamaha ammaanka, isagoo sheegay in si wanaagsan loo soo dhaweeyay, ayna yimaadeen iyagoo hubkooda wata.

Dhinaca kale, isla maanta waxaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo iska soo dhiibay Farxaan C/kariin Fiqi oo Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka sakawaadka.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa isa soo tarayay Saraakiil iyo askar ka tirsan Al-shabaab oo isu soo dhiibaya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo, ayadoo ay xusid mudantahay in dhawaan uu magaalada Baardheere iska dhiibay Aadan Coombe oo kamid ah madaxda dhanka Zakawaadka ugu sareeysa Al-shabaab ee Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
5/1/2019 2:51 PM EST
Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Munaasabad si heer sare loo soo agaasimey laguna xusay Maalinta Shaqaalaha adduunka ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeybgalay Masuulyiin ka socday Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) Madaxda Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed, Xubno matalayey Ururada Shaqaalaha qeybahiisa kala duwan.

5/1/2019 10:13 AM EST
Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Taliyeyaasha ciidamada Militeriga iyo Booliska Somaliland ayaa sheegay inay fulinayaan amarkii madaxweynaha ee xaaladda degdeg ah ku soo rogay degmooyinka Gar-adag, Ceel afweyn iyo Ceerigaabo.

5/1/2019 9:57 AM EST
Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Xaruntan dabku qabsaday oo ahayd goob lagu kaydin jirey qalabkja hidaha iyo dhaqanka oo badankooda aan haatan la heli karin, ayaa wax aan badnayn laga badbaadiyey sida ay HOL u sheegeen dadkii gurmadka u galay,

5/1/2019 9:52 AM EST
Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa markiiba is deg deg u magacaabay xilkii uu iska casilay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle.

5/1/2019 9:46 AM EST
Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)-Madaxwaynaha degaanka Oromiya Shimalis ayaa mar uu maanta ka hadlayay shirkii nabadaynta Soomaalida iyo Oromada sheegay in Warbaahinta degaanka Oromiya gaar ahaan Tvga degaankaas ee OBN lagu darayo qayb Af Soomaali ah.

5/1/2019 9:43 AM EST
Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Waxaa si rasmi ah magaalada Adhaama ee degaanka Oromiya uga furmay Shirwaynihii Nabaynta iyo midnimada labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada, Shirwaynahan ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda labada degaan, madax kale oo heer fadaraal ah iyo marti sharaf kale, sidoo kale Ugaasyada, Odayaasha degaanka Soomaalida, iyo Abaagadhayaasha degaanka Oromiya ayaa iyaguna shirka goob joog ahaa.

5/1/2019 8:05 AM EST
Arbaco, May, 01, 2019 (HOL) -Waxaa goor dhaw xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya iska csilay Wasiirkii Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle

5/1/2019 7:00 AM EST
Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)-Israel iyo Mareykanka ayaa cadaadis dhaqaale saaraya maamulka Falastiin sababo la xiriira diidmadooda qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee Mareykanka uu wado.

5/1/2019 5:33 AM EST
Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)-Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa ugu danbeyntii soo afjartay Kiiska C/risaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaano Ina Calool Geel, kaasoo labo jeer ay Maxkamad ku taal Puntland ku xukutay dil toogasho ah.

5/1/2019 5:10 AM EST
Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)-Maxamed Nuur oo horay uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, ayaa ku eedeysnaa dilka haweeney caddaan ah oo lagu magacaabi jiray Justine Ruszczyk Damond kadib goor ay ugu wacday booliska si ay ogeysiiso fal danbiyeed suurta gal ahaa inuu ka socday—meel ku aaddan—gurigeeda gadaashiisa, waa sida ay ismoodsiisaye.

5/1/2019 1:04 AM EST
Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Wiil Soomaali ah oo askari ka ahaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa lagu helay in uu dilay haweenay reer Australia ah oo aan hubaysnayn.

5/1/2019 12:58 AM EST
Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 02 bishan May ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe uu ka furmo shirweyne uu ku baaqay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

5/1/2019 12:39 AM EST
Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa maanta maalintii shalay gaadhay magaalada Adhaama ee degaanka Oromiya, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Adhaama iyadoo shacabka magaaladaas ay waddooyinka taagnaayeen iyagoo caleemo qoyan wata.