4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2019
Maxkamada ciidamada oo ugu danbeyntii go'aan ka gaartay Kiiska C/risaaq Xuseen Tahliil

 

Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)-Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida  ayaa ugu danbeyntii soo afjartay Kiiska C/risaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaano Ina Calool Geel, kaasoo labo jeer ay Maxkamad ku taal Puntland ku xukutay dil toogasho ah.

Cabdirisaaq  ayaa sanadkii 2017 howlgal  si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Danab iyo kuwa PSF ee Puntland ku  qabteen Koofurta Gaalkacyo, waxaana Mareykanka uu ninkan ku eedeeyay  inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo safar ku bixiyay baarista kiiskan ayaa 24-kii bishii Sedaxaad codsaday in la hor geeyo Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, laba isbuuc kadib Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Side ayaa sedax jeer oo kala ah  6-13-27 bishii na dhaaftay u fariisatay eedda Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle).

Mudda 21-cisha ah oo ay Maxkamadda Sare kiiskan ku dhex jirtay, waxaa ay Guddoonka Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida  ku bixiyeen   dadaal fara badan oo ah hubinta Eedda arga-gixisanimo ee Eedeysanaha u  xirnaa weliba horay loogu soo xukumay balse buray markii ay aqbashay  rafcaanka Maxkamadda Sare.

Ugu danbeyntii Shan cisho kaddib Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side ayaa go’aan  ka soo saartay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, waxaana  ay Maxkamadda Sare  amartay in si deg-deg ah looga daayo xabsiga hadii aysan jirin dambiya  kale, waxa ay sidoo kale amartay in uusan ka bixi Karin magaalada  Muqdisho muddo 2-sano ah, ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku amartay   ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku  dhawaad 5-sano iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo Xarunta  Dambi Baarista Boliiska CID, sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha  Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida jenaraal Liibaan Cali Yarow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]