4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2019
Wararkii ugu danbeeyay xukunka lagu riday Maxamed Noor


Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)-Maxamed Nuur oo horay uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, ayaa ku eedeysnaa dilka haweeney caddaan ah oo lagu magacaabi jiray Justine Ruszczyk Damond kadib goor ay ugu wacday booliska si ay ogeysiiso fal danbiyeed suurta gal ahaa inuu ka socday—meel ku aaddan—gurigeeda gadaashiisa, waa sida ay ismoodsiisaye.

Talaadadii shalay ayaa guddi xeerbeegti ah oo ka koobnaa 12 ay gaareen go’aan ah inuu Maxamed Noor galay fal danbiyeed laba darajo ka kooban, kana mid ahaa fal danbiyeed ka koobnaa saddex darajo oo dacwaddooda horay loogu soo eedeeyay. Guddiga ayaa isku raacay inuu Maxamed gaystay danbigaan dilka ah darajadiisa saddexaad, taasoo ah inuu u dilay haweeneyda si aanay ula kac ahayn.

Sikastaba, waxay ku waayeen danbiga darajada labaad oo ah inuu isagu si ula kac ah— oo uusan dan kalahayn nolosheeda— uu u dilay Justine oo u dhalatay dalka Australia, macallimadna ku ahayd jimicsiga nooca loo yaqaanno Yoga-da.

Garsooraha Maxkamadda Hennepin ee gacanta ku haysa kiiskaan, ayaa xukmin doonta bisha toddobada bisha Juun ee sanadkaan— taasoo ku began ciidda— ciqaabta xarigga Maxamed ayaa ugu badnaan gaari karta 25 sano.

Qareenada Maxamed Noor ayaa laga diiiday goor ay codsadeen in damiin lagu sii daayo saarkaalkan ka tirsanaan jiray ciidanka; waxaana laga taxaabay maxkamadda isaga oo la jeebeeyay. 

Waa markii ugu horreysay abid taariikhda gobolkaan Minnesota oo sarkaal booliis ah ku jira shaqada oo la xukumayo. Dadka sida dhaw ula socda dhacdooyinka caynkaan ah, ayaa sheegaya kuna qanacsan inay jirto eex taariikhi ah oo u dhaxaysa madwga iyo caddaanka dalkaan Mareykanka. Kiiskaan ayaana circa isku sii shareeray.

Arrinta  dilka haweenaydaan caddaanka ah iyo sarkaalkan oo kulansaday tilmaamo  badan oo ay ka mid yihiin inuu yahay muslim, madaw, soomaali iyo soo  galooti dalka ku yimid qaxootinimo, ayaa kiiskaan ka dhigtay mid dalka  Mareykanka oo dhan aad looga hadal hayo.
 
Xukunka ku dhacaya Maxamed  ayaana rejada ka qaadday dhallinyaro badan oo Soomaalida Maraykanka ah  kuwaasoo ku taamayay inay ku biiraan booliska dalkaan. 
 
Sarkaalkan ayaa xukunkiisa lagu dhawaaqi doonaa toddobada bisha inagu soo aaddan ee Juun, maalinkaas oo la filayo inay ka mid noqon doonto maalmaha Ciidda muslimiinta ee ka danbeeya soonka. “Haddii aan ogaan lahaa in sidaani ay dhacayso, waligeey booliis ma noqdeen”, ayuu ku yiri Maxamed Noor qoraallo marag ah oo loo soo guddiga guuriyay xeer-beegta.
 
Mohamud Dulyadeyn