4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2019
Yaa ka qeybgalaya shirka la filayo in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Garoowe

 

Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 02 bishan May ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe uu ka furmo shirweyne uu ku baaqay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland oo ayaa shirkan ku martiqaaday in ay ka soo qeybgalaan madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, sidoo kale shirkan ayuu ku casuumay madaxweyne Deni madaxweynayaasha maamul gobolleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa la xaqiijinayaa in saacadaha soo socda gaari doonaan magaalada Garoowe, waxeyna saddexda madaxweyne Puntland, Jubbaland iyo Galmudug horay kulamo ugu soo yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyaga oo ku balamay ka qeybgalka shrike magaalada Garoowe.

Laakiin ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca madaxda ugu sareysa dowladda federaalka oo la xiriira ka qeybgalka shirka Garoowe, sidoo kale waxaan la hubin in ay Garoowe tagi doonaan madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle gacan saar dhaw la leh dowladda dhexe ee federaalka.

Shirkan uu ku baaqay madaxweyne Deni ayaa imanaya xilli uu dib u dhacay dhowr jeer oo ah shirweyne uu ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya, kaddib markii sida la sheegay ay ka biyo diideen qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]