4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2019
Madaxwayne Mustafe Cagjar oo ka qeybgalaya shirka Nabada ee Soomaalida iyo Oromada

 

Arbaco, May, 01, 2019 (HOL)- Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa maanta maalintii shalay gaadhay magaalada Adhaama ee degaanka Oromiya, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Adhaama iyadoo shacabka magaaladaas ay waddooyinka taagnaayeen iyagoo caleemo qoyan wata.

Soo dhawaynta Madaxwayne Mustafe ayaa sidoo kale waxaa ka qayb qaatay masuuliyiinta u saraysa Dawladda degaanka Oromiya oo u horeeyo madaxwaynaha degaanka Oromiya Shimalis.

Madaxwaynaha ayaa ka qeybgalaya kulanka maanta ka furmaya Adhaama ee loogu xaadhayo nabad waarta oo ka dhex dhalata Soomaalida iyo Oromada oo muddooyinkii dambe colaad ka dhaxaysay.

Madaxwaynaha dowlada deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa gaadhay caasimada deegaanka Oromiya ee magaalada Adama halkaa soo siwayn ay uugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta sare ee deegaanka Oromoda uu horkacayo madaxwaynaha deegaanka Oromiyae Shimallis Abdiisaa,waxana waftiga madaxwaynaha loo soo galbiyay dhanka magalada Adama halkaaso ay maanta uu kaga qayb gali doonaan shirka nabadaynta labada shacab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]