4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2019
Meydka Nin dhalinyaro ah oo saakay lagu arkay wadada Maka Al-Mukarama

 

Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Meydka nin dhalinyaro ah ayaa saaka lagu arkay Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan meel ku dhow dhismayaasha ku burburay qaraxii todobaadyo ka hor ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama. 

Meydkan ayaan waxaa ka muuqan wax dhaawac iyo rasaas, waxaana meydkiisa laga helay meel luuq ah dhismaha Kuwait Palaza oo ka mid aheyd dhismayaashii burburka ka soo gaaray qaraxyadii habeenkii khamiista ee todobaad ka hor.

Dad goobta tagay qaarkood ayaa hseegay in ninkan uu ka mid ahaa dhalinyarada darbi jiifka ah, waxaana la sheegayaa in dishay koronto.

Meydka Ninka dhalinyarada ah ayaa loo qaaday xarunta dambi baarista CID, si baaritaan loogu  sameeyo,.

Magaalada  Muqdisho oo ah magaalo colaadeed  maka la eego waa iska caadi in dadku ku waabariistaan meydka qof rayid ah oo meel magaalada ka mid ah lagu arko, kuwaa oo siyaabo kala duwan loo dilo ama u dhinta

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]