8/20/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2019
Moseveni : Askariga Dhaqanka xun waxaan u masaafurin doonnaa Soomaaliya halkaa ayaa looga baahan yahay


 

Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale tusaale la yaab leh u soo qaatay dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay meel laga jecel yahay dhaqan xumadda iyo gardarada.

Mar uu ka hadlay Askari Uganda u dhashay oo dhawaan la sheegay in uu dharbaxaay haweeney ka tirsaneyd isla ciidamada Uganda in loo masaafurin doono Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay ah halka laga jeceli yahay dhaqan xumada noocaa oo kale ah.

“Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qeyliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbalikarin, waana gafweyn oo Bulshadda ceeb ku ah, Askarta aan la heyn Asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmikarin, waxaana u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay,’’ ayuu yiri madaxweyne Museveni.

Madaxweynaha Uganda ayaa horey ugu tilmaamay Soomaaliya meel aysan ka jirin dowlad maamusha, taa oo ka careysiisay dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana hadalkaa jawaab ka bixisay dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay Museveni ‘’ Qof iska Hadlay’’

Laakiin waxaa muuqata in mar kale madaxweynuhu tusaale u soo qaatay Soomaaliya oo uu ku tilaamay meel Askarteedu aysan aqlaaq laheyn, isaga oo ugu goodiyay Askariga Uganda u dhaqashay ee ku kaca fal anshaxa ka baxsan loo diri doono Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 










Click here
3/9/2019 12:13 PM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Kulan ay isugu yimaadeen Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda,taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo hoggaanka sare ee maareeyaha Dekadda ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

3/9/2019 10:59 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa loogu hambalyeeyey Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu Negewo,kaasi oo loo magacaabay agaasimaha guud ee xafiiska QM ay ku leedahay magaalada Nairobi.

3/9/2019 7:51 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u anbobaxay dalka isku taga imaaraadka Carabta oo la sheegay inuu marti qaad rasmi ah ka helay.

3/9/2019 5:52 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigtay Backstone Agaro, oo 53 jir ah oo looga shakiyay in uu ku biiri lahaa Ururka Al-shabaab

3/9/2019 4:10 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Dastuurka dowladda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa warbaahinta u sheegay in meydka Wasiirka la keeni doono maalinta Berri ah, islamarkaana ay isla beri la aasi doono.

3/9/2019 4:00 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Meydka nin dhalinyaro ah ayaa saaka lagu arkay Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan meel ku dhow dhismayaasha ku burburay qaraxii todobaadyo ka hor ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama.

3/9/2019 2:16 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)-Qoraal ka soo baxay xoghayaha Qaramada Midoobey António Guterres ayaa lagu sheegay in Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi (UNON), iyadoo uu madax ka noqonayo dhamaan xafiisyada UN-ka ee ku yaalla Nairobi.

3/9/2019 12:26 AM EST
Sabti, Maarso, 09, 2019 (HOL)- Waxaa soconaya diyaar-garoowga Aas Qaran oo loo sameynayo Wasiirkii Wasaarradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta.