4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2019
Cabdiraxmaan Muse oo loo magacaabay Gole sare Minnesota (Metropolitan Council) Sawiro& Video

J

Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL) - Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL) - Cabdiraxmaan Muse oo ka mida soomaalida MN ayaa loo dhaariyey golaha sare ee Metropolitan Council, kuwaas  oo jaangooya qorshaha siyaasada dhaqaalaha guriyeenta & hawlaha guud  ee kala bar gobolka Minnesota , golahaan waxay dusha ka maamulaan 186 magaalo , oo ay dagan yihiin ilaa 2 milyan bar oo dadka Minnesota dagan ah,.

 Abdirahmaan waxuu ka mid noqday saraakiisha ugu sareeysa ee Soomaalida MN ee ka hawlgalaya maamuladda sare ee heer gobol , waxuuna gudigaan ka kooban yahay 16 qof oo uu magaacabo gudoomiyaha gobolka Minnesota Tim walz .

 Cabdiraxmaan Muse iyo xubnahii kale ayaa si guud loo dhaariyey, kadibna waxaa isagana si gooni ah  loogu dhaariyey kidaabka quraanka kariimka . waxaa goobtaan kala soo qaybgalay qaar ka mida jaaliyadda oo ku farxsan in shaqsi ay yaqnaan uu ka mid noqdo gudigaan markii ugu horeeysay, Cabdiraxmaan waxuu hore u ahaa lataliaha duqa magaaaladda Minneapolis sanad ka hor,

 Shariif Abdisalaam Adam oo ka mida maamulayaasha Iskuulada St Paul ayaa yiri waa wax wayn bay inoo tahay inaan ka qayb qaadano dhaarinta xilka  loo magaacabay Cabdiraxmaan Muuse oo ka mida dadka sida wayn ugu shaqeeya danaha Soomaalida Minnesota

 Cabdiraxmaan M Muse ayaa isaguna u mahadceliyey gudoomiyaha gobolka Tim Walz magacaabida uu magacaabay waxuuna balan qaaday in uu u shaqeen doono dadka Minnesota isagoo sheegay in ugu horeen uu doonayo in wax uu k a qabto xaga guriyeenta dadka laga  iyo xaq in loo qaybiyo dhaqaalaha gobolka soo gala.

Tan iyo markii xilka loo doortay gudoomiyaha cusub  ee gobolkaan Tim Walz oo soomaalidu taageero wayn siisay , waxaa badanaayey tirade dadka xilalaka helay waxaana jira labo gabdhood oo iyagana loo magacaabay gudiyadda cadaalada.

Gudigaan sare ee abdirahman muse ka midka noqday waa golaha maamula badi dhaqaalaha ,gadiidka sida tareenada iyo basaska qaabaynta magaalooyinka 

Metropolitan Council  ka waxaa hore loogu magaacabi jirin dadka laga tirade badan yahay , , waa meel mushahaarkeedu sareeyo , hadase waxaa lagu dhex arkayaa 7 qof oo ka duwan kuwii lagu yaqiin abdirahman muse oo arintaa sharxaya ayaa yiri.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis ,MN