3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2019
Shir dib u heshiisiin ah oo Mooyaale loogu qabtay Soomaalida iyo Oromada

 

Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Mooyaale ayaa sheegaya in shir dib u heshiisiin ah uu ka furmay magaalada, shirkaas ayaa waxaa lagu heshiisiinayay Soomaalida iyo Oromada.

Haddaba shirkaas ayaa waxaa kasoo qayb galay odayaal dhaqameedyada ka kala yimid degaamada Soomaalida iyo Oromada, waxaa sidoo kale shirkan kasoo qayb galay wasiiro heer federal ah.

Shirka ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii nabad looga dhex dhalin lahaa Soomaalida iyo Oromada iyadoo ugu dambayntii laba dhinac isku afgarteen inaan dib colaad uga dhex dhicin Soomaalida iyo Oromada.

Ma ahan markii u horeysay ee shir dib u heshiisiin ah loo qabto Soomaalida iyo Oromada, heshiis kasta oo lagaadhana dib ayuu ka buri jiray, balse shirkan hadda ayay dad badani ka war sugayaan waxyaabaha kasoo baxa iyo siduu u dhaqan gali doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 
 













Click here
3/8/2019 1:50 PM EST
Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL) - Wasiir ku-Xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasime-waaxeedyada, La-taliyayaasha iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka waxay ka tacsiyadeeynayaan geeridii naxdinta lahayd ee maanta ku timid Marxuum Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

3/8/2019 10:26 AM EST
Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL)-Dibadbax-ballaaran ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Diridhabe, banaanbaxan ayaa waxaa isugu soo baxay dadka Oromada ah ee deggan qaybo kamid ah magaalada Diridhabe.

3/8/2019 9:53 AM EST
Cabdiraxmaan Muse oo ka mida soomaalida MN ayaa loo dhaariyey golaha sare ee Metropolitan Council, kuwaas oo jaangooya qorshaha siyaasada dhaqaalaha guriyeenta & hawlaha guud ee kala bar gobolka Minnesota

3/8/2019 9:20 AM EST
Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL)-Boliiska Degmada, Ngombeni, ayaa Jimcaha Maanta ah weerar ku qaaday Guri ku yaalla degaanka , Kwale, halkaas oo ay tababar ku qaadan jireen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

3/8/2019 8:21 AM EST
Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Dubai.

3/8/2019 5:41 AM EST
Jimco,Maarso 08, 2019 (HOL) – Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in Wasiirkii Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Dubai, sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee wasaarradda Maxamed Abuukar Zubeyr.

3/8/2019 5:36 AM EST
Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL)- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland, Cawil Sheekh Xaamud ayaa dowladda federaalka usoo jeediyay inay ku soo wareejiso qoondada Puntland ay ku lahaayeen tirada Xujeyda ee sannadkan soo gudaneysa Waajibaadka Xajka.

3/8/2019 5:08 AM EST
Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL)- Nin hubaysan ayaa toogasho ku dilay allaha u naxariisto Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo ka mid ahaa isimadda Puntland,sida ay HOL u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

3/8/2019 1:58 AM EST
Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ka tirsan dowladda ka tirsan dowladda Soomaaliya oo wehliyaan cidamo Mareykan ah ay weerar ku qaadeen saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

3/8/2019 12:39 AM EST
Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul gobolleedka Jubbaland.