4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2019
Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo geeriyooday

 

Jimco, Maarso 08, 2019 (HOL) – Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in Wasiirkii Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Dubai, sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee wasaarradda Maxamed Abuukar Zubeyr.

“Waxaa hadda isbitaal ku yaala Dubai ku geeriyooday Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil. Ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana haka waraabiyo. Dhamaan eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyooday iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Ilaahey haka siiyo. Aamiin”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka.

Wasiirka ayaa muddo dheer ku soo dhax jiray dowladdihii isaga danbeeyay dalka, isaga oo dhowr jeer ka mid noqday golaha xukuumadda, waxaana uu ka mid ahaa wasiirradda miisaanka culus golaha xukuumadda siweynna uga soo dhax muuqday, gaar ahaan marka ay timaado arrimaha Dastuurka iyo Sharicga oo uu ku taqasusay.

Waxaa uu waayadii ugu danbeeyay ka shaqeynayay dhameystirka Dastuurka, waxaana uu wadday kulamo kala duwan iyo shirar lala yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]