4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2019
Duqeyn cirka ah oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha dhexe

 

Jimco, Maarso, 08, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ka tirsan dowladda ka tirsan dowladda Soomaaliya oo wehliyaan cidamo Mareykan ah ay weerar ku qaadeen saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Saraakiil ka tirsan maamulka Hir-Shabelle ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in weerarkaas oo isugu jiray cir iyo dhul lagu qaaday xarumo waaweyn oo ururka Al-shaabab ku leeyihiin deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare xooggan leh oo soo gaaray dagaalamayaasha Alshabaab waxayna ciidamada howlgalka fuliyay isugu jireen Soomaali iyo ciidamo la rumeysan yahay in ay ahaayeen Maraykanka

Deegaanka Gamboole ayaa ah saldhigga ugu weyn ee Alshabaab ku leeyihiin gobolka Sh/dhexe. ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]