Khamiis, Maarso, 07, 2019 (HOL)- Maxkamada
Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la
horkeenay Rag loo heysto qaraxyadii dad ka badan ay ku dhinteen ee
22-12-2018 ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo agagaarka Taalada Daljirka iyo
weeraro dhowr ah oo ka dhacay magalada Muqdisho.
Ragga qaraxyadaasi loo heysto ayaa waxaa lagu
kala magacaabaa Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Boorow Aadam,waxaana
Maxkamada Ciidamada ay ku eedeysay inay mas’uul ka ahaayeen qaraxyadii ka
dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon.
Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali
Nuur Shuute ayaa sheegay in raggaas ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab,isla markaana
ay u qaabil sanaayeen weerarada loo adeegsado Gawaarida dadka lagu
horjaro kadibna la rasaaseeyo iyo sahminta Goobaha ay Shabaab doonayaan
inay weeraraan.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Canshuur
Cusmaan Abuukar loo heysto weerar lagu qaaday 15-8-2017 Gaari ay saarnaayeen
qoyska Reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ahaa Madaxda Shirkadda Dahabshiil
,weerarkaas oo ka dhacay agagaarka Digfeer ayaa waxaa ku geeriyooday Maxruum
Maxamed Xasan Cabdi Cawad,isla markaana ay ku dhaawacmeen 5 ruux oo qoyskaas ka
mid ah.
Waxaa kaloo lagu eedeeyay weerar 27-9-2017 lagu
qaaday Gaari ay la socotay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Canab
Cabdullaahi Xaashi kaas oo ka dhacay degmada Xamarweyne,waxana weerarkaas
ku geeriyooday Marxuumad Canab Cabdullaahi Xaashi iyo
Wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka oo lagu Magacaabi jiray
Axmed Jaamac Xersi.
Sidoo kale Raggaas iyo rag kale oo la socday ayaa
xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada Qalabka sida waxa ay ku eedeysay inay qeyb
ka ahaayeen weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee Sanadkii 2018 lagu qaaday
Hotelka Saxafi ee Magalada muqdisho kaas oo dad badan ay ku dhinteen.
Maxamed Cali Boorow Aadam ayaa isagana loo
heystaa qaraxii ka dhacay 2-9-2018 Xarunta degmada Holw-Wadaag ee
Gobolkan Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen 8 ruux 27 kalena ay ku dhaawacmeen
Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad
ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa fadhiga Maxkamada ka
sheegay in Maxkamadeynta raggaas dib la isugu soo laaban doono,waxaana xeer
ilaalinta uu ka dalbaday inay soo dhameystiraan cadeymaha ay ku hayaan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]