4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2019
Shirkii golaha wasiirada Somaliland oo lagaga dooday xeerar ay soo gudbiyeen wasaaradaha qaarkood

 

Khamiis, Maarso, 07, 2019 (HOL)- Shirkii golaha wasiirada Somaliland oo uu shirgudoominayey Madaxweyne Muuse Biixi kuna wehelinayeyy madaxweyne ku xigeenku ayaa maanta lagaga dooday xeerar loo soo gudbiyey oo qaarkood wasaaraduhu soo sameeyeen.

Shirkan golaha wasiirada waxa maanta lagu ansixiyey xeerka garyaqaanka guud ee qaranka, kaas oo qeexaya xilka iyo waajibaadka xafiiska gar-yaqaanka guud ee qaranka oo ka kooban diyaarinta qaybo-qoraallada xukuumaddu curiso, la-talinta sharci ee dhammaan hay’adaha xukuumadda, metelaadda dacwadaha medinga ah ee dhammaan hay’adaha dawladda iyo inuu faafinta rasmiga ah kusoo saaro gebi ahaanba xeerarka ansaxay ee qaranka.

Sidoo kale, golaha wasiirrada waxa loo qaybiyey nuqullada siyaasadda shaqaalaha rayidka ah ee wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska iyo wax-ka-beddelka xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer/No/31/2004.

Dhinac kale, golaha wasiirrada Somaliland waxay warbixinno lagaga dhegaystay wasiirrada wasaaradaha macdanta iyo Tamarta, iyo horumarinta biyaha, iyaga oo golaha hortooda kusoo bandhigay qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradahoodu ku hawlannaayeen sannadkii dhammaaday iyo sannadkan soconayaba, isaga oo wasiirka Macdanta iyo Tamartu golaha ka hor jeediyey ahmiyadda ay shidaal soo saaristu qaranka u leedahay iyo sida ay wasaarad ahaan ugu hawllan yihiin inay dalka gaadhsiiyaan koronto ku filan oo laga dhalinayo Tamarta qorraxda.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Saleebaan Yuusuf Cali-koore, ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in qaranka laga haqab-tiro biyo ku filan, isaga oo xusay in muddadii uu wasaaradda joogayna uu horumariyey gebi ahaanba ceelashii iyo dhaamamkii aynnu hore u haysannay, islamarkaana ay soo kordhiyeen ceelal faro badan, iyada oo diiradda la saarayo meelaha ay biyo la’aantu ka jirto, waxaanu sheegay inuu kaga dhabaynayo qaybta kaga aadan wasaaradiisa ee ku qoran barnaamijkii ololaha ee xisbigu ku guulaystay.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland