4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2019
Puntland oo dardar galinaysa dhismaha golaha deegaanka degmaad Gaalkacyo

Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Golaha wasiirrada Puntland oo maanta shirkooddii toddobaad laha ahaa ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa sheegay in la dardar galin doono dhismaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo.

Maamulka degmada ayaa hadda si kumeelgaar ah u shaqeeya,balse dabayaaqadda bishan ayaa la sheegay in la soo dhisi doono golaha deegaanka oo iska dhex dooranaya guddoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa.

Sidoo kale, shirka golaha wasiirrada Puntland oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni waxaa looga hadlay qodobbo kale oo ay ugu horreeyaan amniga, caddaaladda iyo dib u habeynta wasaaradda gaadiidka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]