4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2019
Faah faahin ku saabsan Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)-Qarax xoogan oo jugtiiisa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goor dhaw ka dhacay inta u dhaxeysa taallada Xaawo Taako iyo Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay meel u dhow halka lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala qeybta dambe ee Taalada Xaawo Taako.

 Gaariga Qarxay ayaa la sheegay in la dhigay Afaafka hore ee Maqaayad lagu magacaabo Dalsan oo ku taalla meel u dhow Taalada Xaawa taako ee Magalada Muqdisho. 

Waxaa sidoo kale halkaa ku yaala Koontorool ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ka ilaaliyaan Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana  gawaarida lagu hubiyo.

Waqtiga uu qaraxu ka dhacay goobta ayaa aheyd mid mashquul badan,waxaana ku yaalla goobo Ganacsi oo kale,sida Maqaaxiyo Shaaha laga cabo, Goob Timaha lagu jarto,waxana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo uu qaraxaasi geystay wallow weli sirasmi ah aan loo shaacin.

Ilaa 5 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku geeriyoodeen qaraxan oo imanaya xili horaantii toddoobaadka Qaraxyo waaweyn ka dhaceen wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]