4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2019
Putin: Waxaan fashilnay hawlaha ku dhawaad 600 oo jaajuus

 

Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku eedeeyay mukhaabaraadka ajnabiga ah in ay sare u qaadeen hawlahooda ay ka fuliyaan Ruushka, waxaana uu shaaciyay in boqolaal basaas ay ka hortageen sanadkii la soo dhaafay oo keliya.

Isagoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin ayaa waxa uu sheegay in hawlaha 594 oo basaasiinta ajnabiga ah lagu fashiliyay Ruushka.

Jawaasiista Ruushka ayaa qudhooda lagu eedeeyay hawlgallo dhawr ah oo uu ka mid yahay kii lagu sameeyay basaaskii Ruushka u shaqeyn jiray ee Sergei Skripal.

Dalalka Holland, Czech iyo Sweden ayaa dhammaantood sheegay inay ka hortageen weerarro ay fulin lahaayeen sirdoonka Ruushka.

Ruushka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu faragelin ku hayo doorashooyinka wadamada Galbeedka.

Isagoo aan magacaabin Ruushka, ayaa madaxa golaha Yurub, Donald Tusk, waxa uu Talaadadii sheegay in "xooggaga diiddan Yurub" ay doonayaan inay faragelin ku sameeyaan doorashada baarlamaanka Midowga Yurub ee dhacaysa bisha May.

Putin oo khudbad u jeediyay saraakiisha laanta nabadsugidda Ruushka ee FSB ayaa ku booriyay inay ka adkaadaan shaqadooda gaar ahaan ilaalinta xogta samaynta hubka dalkaasi.

"Waxaan aragnaa hay'adaha sirdoonka shisheeye oo kordhinaya hawlgalladooda Ruushka, iyagoo doonaya inay qaab kasta ku helaan xogta siyaasadda, dhaqaalaha, seyniska iyo tiknoolajiyadda dalkan," ayuu yiri Putin.

Ka dib markii ay Midowga Yurub iyo UK isla garteen inay u badan tahay in Ruushka uu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Skripal, ayaa in ka badan 25 dal waxa ay eryeen diblomaasiyiinta Ruushka ah ee caasimadahooda ku sugnaa.

Bishii la soo dhaafay, madaxweyne Putin ayaa sheegay in Ruushka uu samaysan doono nooc cusub oo ah gantaallada ridada dhexe kuwaasoo lagu beegsan karo caasimadaha galbeedka, waa haddii wadamadaasi ay gantaallo dhigaan Yurub.

Xigasho BBC