Khamiis, Maarso 07, 2019 (HOL)- Maamul gobollleedka Puntland
ayaa sheegay in ay lagu guuleystay xalinta xiisad ka dhalatay amar ka soo baxay
markii hore maamulka oo lagu xiray Suuq Kalluunka ee ku yiilay marsada
Boosaaso.
Wasiirka Wasaarradda
Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda maamul gobolleedka Puntland Faarax Maxamuud
Cawaash ayaa warbaahinta u sheegay in ay isku afgarteen ganacsatada in ay u
guraan suuq cusub oo uu maamulku ugu talagalay.
‘’Warar been abuur ah ayaa suuqa
la galiyay, dadkii ayaa la qalday oo been loo sheegay, ganacsatada suuqan ayaan
u diyaarinay, kulamo ayaan yeelanay waanan isku afgaranay in ay u guuraan
suuqan cusub’’ ayuu yiri Wasiirka.
Wuxuu sheegay Wasiirka in marnaba
dowlad gobolleedka Puntland dayicin ganacsatada Kulluunka, isaga oo intaa ku
daray in kulamo is daba joog ah oo ay yeesheen ugu danbeyntii leysku afgartay
in loo guuro Suuqa cusub.
Wasiirka ayaa balanqaaday in
marka laga soo tago Suuqa hadda sida Ku-meel-gaarka ah loogu wareejiyay
ganacsatada maamulku ku howlan yahay dhismaha Suuq cusub oo si rasmi ah
ganacsatadan loogu wareejin doono.
Labadii cisho ee la soo dhaafay
waxaa ka taagnaa magaalada Boosaaso xiisad iyo dibadbax-yo ka dhashay amar
maamulka uu ku xiray Suuqii Kalluunka ee marsada Boosaaso, arintaa oo siweyn ay
uga hor yimaadeen ganacsatada.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]