4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2019
Guddoomiyaha Olombikada gobolka Hiiraan oo la doortay


Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Doorashada oo aheyd mid siweyn isha loogu wada hayay islamarkaana ay ku tartameen Afar musharax ayaa ugu dan-beyntii lagu doortay galinkii danbe ee maanta guddoomiyaha Olombikada gobolka Hiiraan oo noqonaya Cali Maxamed Cabdi Raaxooy (Cali Shaal)

Ka hor inta aysan doorashada bilaaban waxaa tanaasulay oo ka baxay doorashada Yuusuf Muxumed Maxamed, waxaana isugu soo haray labo musharax oo kala ahaa Faarax Cabdi Garuun (Faarax Diir) iyo Cali Maxamed Cabdi Raaxooyo oo ugu danbeyntii helay codad gaaraya 28 cod halka musharixiin la tartamay Faarax Diir uu helay 20 cod madaama 48 ergo ah oo laga soo kala xulay kooxaha Sportiga Afarta xaafaddood ee magaalada ay kala saarayeen musharixiinta.

Doorashada oo maalmihii ugu danbeeyayba qabanqaabadeeda ay ka soctay magaalada Beledweyne ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarrada iyo Cayaaraha maamul gobolleedka Hirshabeelle Cabdiqani Jeenyo iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha cusub ee Olombikada gobolka Hiiraan Cali Shaal oo ah Nin dhalinyaro ah ayaa muddo dheer ka mid ahaa bahda Sportiga, dhinaca kalana u soo cayaaray kooxo kala duwan oo ka dhisan gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]