4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2019
Soomaaliya oo la wareegtay guddoonka Jaamacadda Carabta

 

Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Maanta shir guddoomiyey shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed, kaas oo ka furmay magalaada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan qabtay  wareegga 151aad ee madaxtinimada Jaamacadda Carabta,waxaana shirkaasi diirada lagu saarayaa taageerida Nabadda iyo Horumarinta dalalka suudan iyo Jaziirada Comoros, xad-gudubka Israel ku hayso dhulka Reer Falastiin, iyo khilaafka dowladaha Jabuuti iyo Eritrea iyo qodobo kale.

Kulanka ayaa la filaya in laga soo saaro War-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen madaxda ka qeyb gashay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]