4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2019
Hargeysa:Muwaadiniin lagu eedeeyey in ay jareen xadhig Internet oo xukunno kala duwan lagu riday

 

Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL) -Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex ayaa maanta shan muwaadin xukuno kala duwan ku xukuntay ka dib markii lagu eedeeyey inay jareen xadhiga dhulka hoostiisa mara ee shirkadda Internet-ka ee SOMCABLE.

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodijeex ayaa maanta midkiiba ku ridday 8 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar) laba muwaaddin oo la kala yidhaahdo Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud, halka saddex kale oo laba maqan yihiin min lix sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $625,000 oo dollar.

Saddexdan kalena waxay kala yihiin: Cumar Xuseen Cabdi oo ah nin reer miyi ah oo lagu yidhi jar xadhiga shirkadan Yuhuud baa leh oo jaray ayaa lagu xukumay 6 sanno iyo lacag dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar). Waxa kale oo intaas oo kale lagu xukumay laba qof oo maqan oo iyagoo maqan lagu xukumay lix sanno oo xadhig ah iyo ganaax $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar).

Shantan muwaadin ayaa lagu eedeeyey inay qaarkood dhiirigaliyeen in la jaro ama la gooyo xadhiga Enternetka ee shirkadda SOMCABLE, inay abaabuleen dhallinyaro laga hor keeno xukuumadda, iyo in Abwaanka Baashe madaxweynaha ku yidhi “Muuse-Shaanni” oo ah magac dil ah sida xeer ilaalintu ku doodayso.

 Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.