Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ka hor yimid qoraalkii madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay kulankii Nairobi
Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL) – Hoggaamiyaha
Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame ayaa siweyn
uga soo horjeestay qoraalkii madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay kulankii
Nairobi ku dhaxmaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya.
Wuxuu arin qalad ah ku tilmaamay in madaxtooyada
Soomaaliya xiligan Shacabka Soomaaliyeed u sheegto in ay heshiis gaareen
Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la ogyahay in aan xitaa leysku soo qaadin nuxurka
arintii markii horeba khilaafka keentay ee badda.
Warbaahinta Soomaalida ayuu ku booriyay in aysan
soo qaadan oo kaliya warka ka soo baxay madaxtooyada, laakiin taa badalkeeda
looga baahan yahay in ay sameeyaan baaritaan intaa ka badan oo la xiriira
kulanka ka dhacay magaalada Nairobi.
“Waa xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka
shacabka Soomaaliyeed, in ay Madaxtooyada Soomaaliya tiraahdo Keenya iyo
Soomaaliya way heshiiyeen iyaga oo aan soo hadal qaadin xuduntii khilaafka
dhalisay.
‘’Waajib Dastuuri iyo mid Waddani ah weeye in shacabka
Soomaaliyeed runta loo sheego ayuu yiri Siyaasiga”.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in labada
dhinac ku heshiiyeen dib u soo
celiyo iyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan
is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada,
dhaqaalaha iyo isku socodka dadka iyo baayac mushtarka.
Wada hadalladan
ayaa sidoo kale diiradda ayeey sheegtay madaxtooyadau sidii dalalka gobolku ay
isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana
loogu soo dabbaali lahaa nabad-gelyo iyo xasillooni.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]