4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2019
War laga soo saaray kulan magaalada Nairobi ku dhaxmaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya

 

Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo goor dhow ka soo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saakay wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.

Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka.

 

Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Madaxtooyada ka soo baxay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]