Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Waxaa gabi ahaanba istaagay wixii ka
danbeeyay saqdii dhexe ee xalay howlihii garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee
magaalada Nairobi kaddib shaqo joojin ay sameeyeen shaqaalaha garoonka.
Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib markii shaqo
joojin ku dhawaaqeen shaqaalaha Garoonka,
iyaga oo ka cabanaya in la musuq maasuqay habka shaqaaleysiinta iyo maamul xumo
ay sheegeen inay ka jirto Garoonka.
Waxaa sidoo kale soo ifbaxaya cabasho la xiriirta
qorshe maamulka Garoonka ku doonayaan in ay kula wareegaan Shirkadda Kenya
Airweys, waxaana dhammaan la hakiyey duulimaadyadii ka bixi jiray garoonka
iyo kuwii kusoo degi jiray.
Dad farabadan ayaa lagu waramayaa in ay ku xayiran yihiin gudaha garoonka
kuwaa oo sugayay in ay ka dhoofaan, laakiin la kulmay shaqo joojinta iyo
duulimaadkii garoonka oo gabi ahaanba istaagay.
Maamulka Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta
ee magaalada Nairobi iyo laamaha Amniga
Kenya dhankooda weli wax war ah kama soo saarin arrintaan kusoo korortay
Garoonka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]