4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2019
Hakad ku yimid howlihii garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi

 

Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Waxaa gabi ahaanba istaagay wixii ka danbeeyay saqdii dhexe ee xalay howlihii garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi kaddib shaqo joojin ay sameeyeen shaqaalaha garoonka.

Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib markii shaqo joojin ku dhawaaqeen shaqaalaha Garoonka, iyaga oo ka cabanaya in la musuq maasuqay habka shaqaaleysiinta iyo maamul xumo ay sheegeen inay ka jirto Garoonka.

Waxaa sidoo kale soo ifbaxaya cabasho la xiriirta qorshe maamulka Garoonka ku doonayaan in ay kula wareegaan Shirkadda Kenya Airweys, waxaana dhammaan la hakiyey duulimaadyadii ka bixi jiray garoonka iyo kuwii kusoo degi jiray.

Dad farabadan ayaa lagu waramayaa in ay ku xayiran yihiin gudaha garoonka kuwaa oo sugayay in ay ka dhoofaan, laakiin la kulmay shaqo joojinta iyo duulimaadkii garoonka oo gabi ahaanba istaagay.

Maamulka Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi iyo laamaha Amniga Kenya dhankooda weli wax war ah kama soo saarin arrintaan kusoo korortay Garoonka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]