4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2019
Duqeyn lagu weeraray saldhigyo Al-shabaab

 

Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen gobolka duqeyn lagu weeraray.

Guddoomiyaha deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo Aadan Cusmaan ayaa sheegay in duqeyn cirka ah lala beegsaday Saldhig Al-shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Buusaar.

Waxa uu sheegay in duqeyntan lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab, balse ma uusan sheegin guddoomiyaha faah faahin intaa ka badan.

Dhinaca kale, waxaana soo baxaya cabasho la xiriirta ciidamada Kenya oo faarujinaya deeganno ka tirsan gobolka Gedo oo ay dib ugu laabnayaan xarrakada Al-shabaab, waxaana saraakiisha maamulku sheegeen in ay madaxda sare ee Jubbaland u gudbiyeen walaaca ay ka qabaan ka bixitaanka ciidamada Kenya qeybo ka mid ah gobolka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]