4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

 

Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar dhiggiisar Sameh Shoukry.

Waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhow si loo sameeyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhammeystiran oo ka dhabaynaya danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, sidoo kale waxaa ay faaqideen arrimo muhiim ah.

Masar waxaa dhawaan tagay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo halkaa kula kulmay dhiggiisa Masar madaxweyne Abdifatax Al-Sisi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]