3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2019
Hoggaamiyayaasha dalalka, Soomaaliya Itoobiya iyo Kenya oo ku shiraya maanta Nairobi

 


Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi kulan ku yeeshaan madaxweynayaasha dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, waxaana kulankaa goob joog ka ahaan doona ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Labada madaxweyne ayaa la filayaa in kulankooda ay iskula soo qaadaan khilaafka soo kala dhaxgalay ee la xiriira muran badda, kaddib markii dowladda Kenya ay sheegtay in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jirtay Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo isla shalay magaalada Addis Ababa sidoo kale kula shiray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay wadajir ugu kicitimeen magaalada Nairobi.

Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay  in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 













Click here
3/6/2019 1:02 PM EST
Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Doorashada oo aheyd mid siweyn isha loogu wada hayay islamarkaana ay ku tartameen Saddex musharax ayaa ugu dan-beyntii lagu doortay galinkii danbe ee maanta guddoomiyaha Olombikada gobolka Hiiraan oo noqonaya Cali Maxamed Cabdi Raaxooy (Cali Shaal)

3/6/2019 12:51 PM EST
Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Maanta shir guddoomiyey shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed, kaas oo ka furmay magalaada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

3/6/2019 9:37 AM EST
Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL) -Maxkamadda Rafcaanka Maroodijeex ayaa maanta shan muwaadin xukuno kala duwan ku xukuntay ka dib markii lagu eedeeyey inay jareen xadhiga dhulka hoostiisa mara ee shirkadda Internet-ka ee SOMCABLE.

3/6/2019 8:17 AM EST
Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL) – Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame ayaa siweyn uga soo horjeestay qoraalkii madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay kulankii Nairobi ku dhaxmaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya.

3/6/2019 4:15 AM EST
Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo goor dhow ka soo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

3/6/2019 4:03 AM EST
Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Waxaa gabi ahaanba istaagay wixii ka danbeeyay saqdii dhexe ee xalay howlihii garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi kaddib shaqo joojin ay sameeyeen shaqaalaha garoonka.

3/6/2019 3:43 AM EST
Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen gobolka duqeyn lagu weeraray.

3/6/2019 3:30 AM EST
Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar dhiggiisar Sameh Shoukry.

3/6/2019 12:19 AM EST
Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Iyadoo magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ku sugan yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa dhinaca kale dowladda Soomaaliya waxaa ay mar kale ku celisay mowqifkeeda ku aadan khilaafka xudduuda baddeedka ee kala dhexeeya Kenya.