4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka Badda ee kala dhaxeeya Kenya

 

Arbaco, Maarso, 06, 2019 (HOL)- Iyadoo magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ku sugan yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa dhinaca kale dowladda Soomaaliya waxaa ay mar kale ku celisay mowqifkeeda ku aadan khilaafka xudduuda baddeedka ee kala dhexeeya Kenya.

Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in laga wadahadli doono sidii dib loogu soo celin lahaa, loona xoojin lahaa xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.

Waxa uu intaa ku daray in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin.

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa labada ayaa meel xun gaartay, kadib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku "xaraashtay" ceelal shidaal oo ku yaal xuduud badeedka lagu mursan yahay.

Warka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa imanaya xili dad badani shaki ka muujiyeen socdaalka deg deg ah ee madaxweynaha Soomaaliya uu ugu anbabaxay magaalada Nairobi, waxaana maanta lagu wadaa in halkaa uu ka dhaco kulan saddex geesood oo dhaxmari doona madaxda dowladdaha, Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]