4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2019
Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo gaaray magaalada Nairobi

 

Talaado, Maarso, 05, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa gaaray goor dhaw magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaa oo maalinta berri ah wada hadal ku yeelan doonaan dhiggooda Uhuru Kenyatta.

Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa ka soo dhoofay magaalada Addis Ababa halkaa oo ay ku yeesheen ka hor tagitaankooda Nairobi kulan looga hadlay qodobo dhowr ah, waxaana ka mid ahaa qodobada ay ka wada hadleen labada mas’uul sidii loo soo afjari lahaa meesha-na looga saari lahaa khilaafka soo kala dhaxgalay Soomaaliya iyo Kenya.

Garoonka diyaaradaha Nairobi waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, Laakiin madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ma uusan tagi garoonka oo dad badani faliyeen in uu ku soo dhaweyn doono labada mas’uul.

Siweyn ayaa isha loogu wada hayaan kulanka saddex geesoodka ah ee dhaxmari doona saddexda hoggaaamiye iyo ugu danbeyntii qodobada leys kula soo qaadi doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]