4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2019
Puntland: 500 oo qoys oo aan helin biyo

Talaado, Maarso, 05, 2019 (HOL) - Deegaannada miyiga gobolka Mudug ee Mindha-ciraan  illaa aagga Gosol ayaa waxaa ka taagan xaalad nolaleed oo ay dadka deegaanka ku sheegeen middii ugu liidatay,markii dadka iyo duunyadaba ay ku adkaatay inay helaan biyo ay cabbaan.

Deegaannada qaar waxaa dadku ay cabaan biyo aan nadiif ahayn,halka kuwa kalana meelo dhaadheer ay biyaha ka sugaan,iyadoo waliba qiimo aad u sarreeya ay ku soo gaarayaan biyaha.

"Markii hore waxaan ka cabaneynay adeegyada bulshada,maaddama deegaannadan aysan ka jirin goobo caafimaad,waxbarasho iyo dhammaan adeegyadii kale,balse hadda xaaladda intaas wax ka duwantahay oo nolasha dadka iyo duunyadda ayaa halis ugu jirta inay biyo la'aan u geeryoodaan".ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Gosol,Cabdirisaaq Jaamac Maxamed.

"Isha ugu weyn ee ay dadku biyaha ka heli jireen waa baraagaha ,iyagana way gureen... Puntland iyo hay'adaha gargaarka midna halkan uma imaan inay xaaladda taagan wax ka qabtaan". ayuu ku daray Cabdirisaaq Jaamac.

Qoysaska deegaannada oo u badan xoolo dhaqato ayaa ugu baaqay Puntland, bulshada Soomaaliyeed iyo hay'adaha arrimaha bani'aadanimada in wax laga qabto xaaladda biyo la'aaneed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]