4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2019
Birmingham: Waalidiinta Muslimka ah oo ay ku jiraan kuwa Soomaalida oo carruurtooda kala baxay iskuulka Parkfield Community

Talaado, Maarso 05, 2019 (HOL) – Qoysaska muslimiinta ah ee ku nool magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa carruurtooda kala baxay dugsiga Parkfield Community  ,iyagoo ku eedeynaya iskuulka inuu ardayda baro waxyaabo ka hor imaanaya Diinta Islaamka.

"Dadka dhigta iskuulkan 90% waa dad muslim ah.. iskuulka wuxuu billaabay casharo carruurta la barayo  dadku intay jinsigoodda ka tagaan haddana jinsi kala tagaya, dadku way ka caroodeen, mudahaaradyo badan ayay sameeyeen illaa markii dambe carruurtooda ay kala baxeen iskuulka." ayuu yiri Maxamed Aadan, oo muddo deganaa Birmingham oo la hadlay BBC-da.

Maxamed Aadan, wuxuu sheegay in cabasho ka dhan ah casharada carruurta iskuulka lagu baro inay bulshada muslimiinta u gudbiyeen Baarlamaanka Ingiriiska,iyadoo wali ay socdaan wadatashiyo.

Illaa hadda ku dhawaad lix boqol oo arday oo musliim ah ayaa laga reebay iskuulka Parkfield Community  , waxaana arrintan ay walaac badan ku abuurtay waalidiinta muslimka ah oo ay ugu horreeyaan bulshada Soomaalida ee deggan Birmingham.

Arrintan ayaa ku soo aaddaysa iyadoo dowladda Ingiriiska ay soo saartay amar ah in la dhaqangeliyo iskuullada in lagu baran karo barashada jinsiga oo ay carruurtu dooran karaan lab iyo dhadig waxa ay noqonayaan,sida ay ku warrantay BBC-da.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]