4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2019
Puntland oo iska fogeysay dagaal lagu qaadday ciidanka Soomaaliland

Talaado, Maarso 05, 2019 (HOL) – Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaal ka dhacay deegaanka Gambara ee gobolka Sool,kaddib weerar lagu qaadday ciidanka Soomaaliland.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cali Xasan Axmed Sabarey ayaa sheegay inaysan Puntland dagaalka lug ku lahayn, isagoo sheegay inay ka war heleen weerarka inay qaadeen dadka deegaanka.

"Puntland iyado bari-bay ka tahay, wixii deegaanka ah ee la dhibay oo wax iska dhicinayana annagu oran meyno hataaba-nina iska daaya.. Laakin annagu waxaan qabnaa ma aanan abaabulin, kamana war heyno,mana taakuleyno ciidanka Puntland-na ma aha." ayuu yiri wasiir Sabarey oo la hadlay BBC-da.

Soomaaliland ayaa horay ugu eedeysay ciidanka Puntland inay weerarro ka geysteen deegaanno ka tirsan gobollada Sool iy Sanaag,iyadoo muddo sannad ka badan ay ciidammada labada dhinac ay isku horfadhiyaan deegaanno ka tirsan gobolka Sool.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]