4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2019
Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo caawa ku sii jeeda magaalada Nairobi dalka Kenya

 

Talaado, Maarso, 05, 2019 (HOL) -Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa caawa ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ujeedada safarka madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay ka qeybgalka kulan saddex geesood ah oo magaalada Nairobi ku dhaxmari doona madaxda dowladdaha, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Socdaalka la filayo ayaa imanaya xili maanta magaalada Addis Ababa uu kulan kula qaatay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo markii horeba madaxweyne Farmaajo u mari-qaaday magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan sidan oo kale tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo markii danbe ka qeybgalay kulan saddex geesood ah oo madaxda oo ka dhacay magaalada Addis Ababa

Kulanka ka dhici doonta magaalada Nairobi ayaa ku soo beegmay xili xiisad Diblomaasiyadeed oo ka dhalatay muranka xudduuda badda ay ka dhax aloosan tahay labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa... 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]