4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2019
Haweeney Soomaaliyeed oo meydkeeda laga helay gurigeeda magaalada San Diego

 

Talaado, Maarso, 05, 2019 (HOL) -Muno Kuri oo aheyd 36 Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in meydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaala magaalada San Diego ee dalka Mareykanka sida laga soo xigtay ciidamada booliiska.

Waxaa la sheegay in haweeneydan la weysanaa tan iyo sabtidii, waxaana gurigeeda markii ay tageen xubno ehelkeeda ka mid ah ku arkeyd iyada oo meyd ah oo qolkeeda dhax taala.

Ciidamada dambi baarista magaalada San Diego ayaa bilaabay baaritaano ku aadan dilka haweeneydan Somaaliyeed iyo cidii ka dambeysay, mana jiro ilaa hada cid loo soo xiray dilka Gabadhan Soomaaliyeed.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ee ka danbeeya dhismashada haweeneyd, waxaana arintan aad uga naxay markii ay maqleen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada San Diego iyo dadkii yaqiinay marxuumada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]